Milliteriga dalkaasi ayaa la sheegay inay Waaberigii hore ee saakayto oo Sabti ah tijaabiyeen Gantaal wax ka duqeyn kara 70 ilaa 200 oo Kiilomitir.
Tijaabaddaasi waxay ka dhacday Magaalada Xeebta leh ee Wonsan ee eeGacan-biyoodka Hodo ee Bariga dalkaasi.
Dowladaha Maraykanka iyo Koonfurta Kuurya waxay sheegeen inay baritaan dheeraad ah ku hayaan faahfaafinta Gantaalka ay Waqooyiga Kuurya tijaabbiyeen.
Afhayeen u hadlay Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon ayaa sheegay inay eegayaan wararka ku aadan Gantaalkaasi la tijaabiyey, inkastoo aysan xaqiijin Karin noociisa.
Tijaabadda Milliteriga Waqooyiga Kuurya ee ay saakayto ku dhaqaaqeen ayaa ah tii ugu horreeyey ee ay sameeyaan, tan iyo markii uu fashilmay Kulankii Barnaamijka Nukliyeerka ee ay Hoggaamiyaha dalkaasi, Kim Jong Un iyo Madaxweynaha Maraykanka ku yeesheen Caasimadda Vieetnam ee Hanaayย bishii Feberaayo 28-dii ee sannadkan.
Dhinaca kale, Waqooyiga Kuurya waxay tijaabadii ugu dambaysay sameeyeen bishii November 28-dii ee sannadkii 2017-kii, iyagoo ganay 15 Gantaalladda Balaastikadda ee ka gudbi kara Qaaradaha Caalamka.