Ciiddamo ka tirsan Guutadda 32-aad iyo 33-aad ee Ciiddanka Burundi oo muddo hal sanno qeyb ka aha Hawlgalka AMISOM ayaa dib ugu laabtay dalkooda, sida lagu sheegay Websaytka AMISOM.
Qeybta Koowaad ee Ciiddankaasi oo ka koobnaa 1,861 Sarakiil ayaa u dhoofay dalkooda, iyadoo kuwo kalena la filayo inay Isbuucan dhexdiisa ka dhoofaan Muqdisho.
Taliyayaasha Guutooyinka 32-aad iyo33-aad ee Ciiddanka Burundi, Gaashaanle John Manirakiza iyo Gaashaanle Richard Nikoyagize ayaa sheegay inay xiriir wanaagsan la lahaayeen Ciiddanka Dowladda Somalis, isla markaana ay wada wadeegeen Warbixino ku aadan Hawlgalka ka dhaanka ah Alshabaab.
Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM waxay intooda badan ka hawl galaan Qeybta 5-aad (Sector 5) ee Hawlgalka AMISOM, oo hoos taga Deegaanadda Balcad, Mahadaay, Ceel Baraf, Warsheekh, Qorilow oo ka tirsan Gobalka Sh/dhexe.
Waxay kaloo Ciiddanka Burundi ka hawl galaan magaalladda Kismaayo.
©Radio Dalsan