Siyaasiyiin iyo Isimada Dhaqanka oo ku qul-qulaya Magaalada Garoowe

Magaalada Garoowe, ee caasimadda maamulka Puntland, waxaa ku sii qulqulaya siyaasiin iyo madax dhaqameed ujeedkoodu uu yahay xal u helidda gacan ka hadalkii dhawaan Garoowe ka dhacay.

Tan iyo shalay waxaa Magaaladaasi gaarayay Salaadeen iyo waxgarad, kuwaasi oo u jeedkooda ugu weyn yahay sidii xal looga gaaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee kasoo cusboonaaday maamulka Punltland.

Isimada ayaa doonaya inay isku soo dhaweeyaan Madaxweynaha Maamulkaasi Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Mucaaradka, oo isku haya doorashada qof iyo cod ee uu hor boodayo Madaxweynaha Maamulkaasi.

Islaan Bashiir Islaan Cabdille ayaa ka mid ah madax dhaqameedka ilaa iyo hadda gaaray Garoowe, iyadoo maantana la filayo in ay halka tagaan Isimo kale iyo siyaasiin ay ka mid yihiin ra’iisul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo horeyna u soo noqday madaxweynaha Puntland.

Siyaasiyiinta, Odayaasha dhaqanka iyo Isimada Gaaray Garoowe ayaa la filayaa inay labada dhinac isku soo dhaweeyaaan oo heshiis lagu dhammeeyo xaaladda taagan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply