Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal miino baaris ah waxaa ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelleha Hoose, iyagoona gacanta ku dhigay laba ruux.
Ciidamada ayaa howlgalka sigaar ah uga sameeyay deegaanada Sabiib iyo Caanoole, waxaana lagu soo qabtay rag ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, xili ay ku sugnaayeen halkaas.
Saraakiisha Ciidanka dowladda ee howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in ragga la qabtay ay miino ku aasayeen wadada dheer ee soo gasha deegaanka Sabiib ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Sidoo kale Saraakiisha ayaa tilmaamay inay sii wadani doonaan howlgalka miino baarista ah, iyagoo xusay in Ciidanka ay ka hortegi doonaan falalka amniga darro ee xiliyada qaarkood ka dhaca inta dhexeeysa Sabiib iyo Caanoole.
Si kastaba Al-shabaab ayaa dhowr jeer qaraxyo miinooyin nooca dhulka lagu aaso ah deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose kula eegtay Ciidanka Dowladda Federaalka, waxaana inta badan qaraxyadaas ka dhashay Khasaaro soo gaaray Ciidanka.