Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa waxaa Maanta oo Jimco ah lagu wadaa inuu ka furmo Shirweynaha 3-aad ee Madaxweynayaasha dalka Turkiga iyo kuwo ka socda dalal Afrikaan ah, kaasi oo socon doona muddo laba maalin ah.
Shirweynaha ayaa waxaa looga hadli doonaa Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin Siyaasadda, Ammaanka, Iskaashiga, Maalgashiga, Ganacsiga iyo Milliteriga, waxaana ka qeyb galaya 13 Madaxweynayaal Afrikaan ah iyo Wafuud ka kala socota 39 Waddan
Madaxda lagu casuumay Shirweynaha ee ka qeyb galaya ayaa waxaa kamid ah Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saqdii dhexe ee xalay gaaray Magaalada Istanbuul isaga iyo wafdi uu hoggaaminayey.
Madaxtooyada Turkiga ayaa fidisay Casuumadda Shirkaasi oo ka dhici doono Xarunta Shirarka ee Istanbul Congress Center, Madaxweyne Erdogan ayaa waxaa la filayaa inuu Khudbad ka jeediyo Kulan Madaxeedkaasi, iyadoo Turkiga u ololeynayso in Suuq loo helo Diyaaradaha Darooniska iyo Qalabka Milliteri ee ay Shirkadaha Turkiga sida xawliga ah u soo saaran.
Bishii October ee la soo dhaafay, Madaxweyne Erdogan waxa uu tilmaamay inay Dowladaha Afrika danaynayaan inay iibsadaan Darooniska Turkiga ee Baykar.
Wargeyska Daily Sabax ee ka soo baxa Turkiga waxa uu qoray in Dufcadii u horeysay ee Diyaaradaha Darooniska Hubeysan loo daabuli bishii September dalalka Somalia, Morocco iyo Tunisia oo ay Turkiga ku leeyihiin Saldhigyo Milliteri.