Shirweynaha horumarinta Africa oo Maanta ka furmay Magaalada Tunis

Magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tuniisiya ayaa waxaa Maanta si rasmi ah uga furmay Shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Africa (TICAD) oo ay ka qeyb galayaan Madax ka socota dalalka qaaradda Afrika iyo hay’adaha caalamka.

Shirka ayaa waxaa furay Madaxweynaha Tunisia, Qays Saciid, oo martigelinaya shirka, wuxuuna sida uu qorshahu yahay uu socon doonaa laba maalmood, Madaxda ka qeyb galeysa Shirka ayaa waxaa kamid ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Shirkaan ayaa waxaa inta uu socdo looga hadli doonaa qoodobo ay kamd yihiin Isbeddelka cimilada, kor u qaadida Ganacsiyada u wanaagsan deegaanka iyo cuntada yarida ka jirta Afrika, kadib duullaankii Ruushka ku qaadey dalka Ukraine.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, ayaa waxaa madasha shirka caalamiga ee #TICAD8 ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Tunisia, Qays Saciid.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ee ka qaybgalaya shirka waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Beene Beene, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga, Cali Maxamed Cumar, La Taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee Xiriirka Caalamiga, Dr Hodan Osman, Ku Xigeenka Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Fadumo Cabdi Cali, iyo Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada, Farhan Jimale

About Webmaster

View all posts by Webmaster
%d bloggers like this: