Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta oo Arbaco xukun ku riday Nin lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay dagaalamayaasha Al-shabaab, uuna ka howlgalayay Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.
Farxaan Maxamuud Xasan ayaa lagu eedeeyay la shaqeynta Al-shabaab, waxaana maalin kahor Maxkamadda bilowday dhageysiga kiiskiisa, isagoo kal horey isku soo dhiibay Ciidanka dowladda Federaalka ee ku sugan Balad-xaawo.
Ciidamo dharcad ah ayaa la tilmaamay inay soo ogaadeen fariimo uu eedeysane Farxaan Maxamuud la wadaagay Al-shabaab, kuwaasi oo ku aadan habka ay u shaqeynayan Ciidanka dowladda Federaalka.
Eedeysane Farxaan Maxamuud ayaa waxaa lagu riday xukun xabsi daa’in ah, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ku sugan Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.
Xeer ilaaliyada guud ee Ciidamada C/llaahi Buule Kameey ayaa dhawaan Maxkamadda kahor sheegay in eedeysane Farxaan Maxamuud uu ka tirsan Al-shabaab, isagoona ku tilmaamay inuu ahaa laba wejiile, wuxuuna Maxkamadda ka dalbaday in cadaalada la marsiiyo, waxaana Maanta lagu riday xukun.