Shirkad Caalami ah oo shaacisay qorshaha Soomaaliya ee Shirka Shidaalka ee london

Maalinta berito ah ayaa lagu wadaa in Magalada London lagu qabto shir ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Batroolka Xukuumadda Soomaaliya,kaas oo dowladdu sheegtay in lagu Suuqgeynayo  Shidaalka Soomaaliya.

Hayeeshee dad u badan Siyaasiyiin ayaa shirkaasi ku tilmaamay in uu yahay mid lagu xaraashayo Shidaalka dalka Soomaaliya wallow dowladda Federaalka ay beenisay,balse mid ka mid ah shirkadaha ka qeyb galaya shirkaas ayaa soo bandhigtay qorshaha Soomaliya ee shirkaas.

Shirkadda Spectrum oo ah shirkad qayb ka ah shirka London ayaa sheegtay in shirka London lagu soo bandhigi doono aagagga cusub ee ku soo kordhay sahminta shidaalka Soomaaliya.

Shirkadda ayaa sheegtay in shirka London uu yahay mid ay wasaarada Betroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya ay xarigga uga jari doonto ayna qeexi doonto qeybihii ugu dambayay oo lagu wado inay ka koobnaadaan 50 xirmo oo ku fadhiya dhul dhan 173,000 km .

Waxaa sidoo kale shirkadda Spectrum ay qoraalkeeda ku xustay in shirka London lagu soo bandhigi doono shuruucda iyo hanaanka ku xeeran arrinta shidaalka Somaaliya.

Si kastaba Shacabka Soomaaliyeed ayaa ka warsugaya natiijada kasoo baxda Shirka Magalada London oo a ka qeyb geli doonaan wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor