QM oo Shaacisay halka la geyn doono Soomaali u xiran Burcad-badeednimo

Agaasimaha Guud ee Xafiiska QM ugu qaabilsan La-dagaalanka Daroogada iyo Dembiyadda (UNODC), Yuuri Fedeotoof ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu Golaha Ammaanka ee QM, xalay warbixin ka siinayey Dembiyadda Burcad-baddeeda iyo Dembiyadda ka dhaca Baddaha.

Waxa uu sheegay inay sii kordheen falalkaasi, isla markaana ay Khatar Calaami ah noqon karaan.

Yuuri Fedeotoof  waxa uu Warbixintaasi ku sheegay isagoo  Muuqaalka wada-sheekeysiga ee  Via Video Conference kaga qeyb galay Kulankaasi, isagoo ku sugan Xarunta Dhexe ee Hay’adda UNODC oo ku taalla caasimadda dalka AWISTERIYA ee Fiyeena.

Agaasimaha Guud ee Xafiiska QM ugu qaabilsan La-dagaalanka Daroogada iyo Dembiyadda (UNODC), Yuuri Fedeotoof  waxa uu sheegay inay ku guuleysteen in hoos loo dhigo falalkii Burcad-baddeeda ka qowleysaata Xeebaha Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inay taageero ka geystaan dacwadaha loo haysto Burcad-baddeeda Soomaalida ku xiran dalalka Kenya iyo Sishilis, isla markaana ay rajeynayaan inay waqti dhow gudaheeda ay  DFS ku soo wareejiyaan Burcad-baddeedaasi.

Yuuri Fedeotoof  waxa kale oo intaasi ku daray in la dhamaystiray Wejiga Koowaad ee Dhismaha Xabsiga Dhexe ee Muqdisho iyo Dhismaha Maxkamadda la soo taagi doono Burcad-baddeeda laga so oqabto Xeebaha Somalia.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor