Wiil Dhalinyaro ah oo lagu dilay Xaafad ka tirsan Magalada Muqdisho

Dilkaan ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid,waxaana loo geystay Wiil dhalinaro ahaa kana mid ahaa dadka ku nool Xaafadaasi Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid.

Wiilka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Shuceyb Biibaaye,waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in uu ka dambeeyay askari ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dad ku sugan halka uu dilka ka dhacay ayaa waxa ay sheegeen in Wiilka la dilay ee Shuceyb uu Maqaaxi halkaasi ku lahaa,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in gacanta lagu dhigay askarigii ka dambeeyay dilkiisa.

Inta badan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay si barer ah u dileen dadka rayidka ah,waxaana maalin ka hor degmada Hodan uu askari ka tirsan Ciidamada Dowladda uu ku dilay Nin la sheegay in uu ahaa Ganacsade.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor