Shirka u dhexeeya Madaxda dolwadda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa goordhow ka furmay Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho oo horey loogu qabtay shirarkaan oo kale.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoominaya Shirka oo ay ka qeyb galayaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Madaxda maamulada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle oo qadka ZOOM-ka uga qeyb galaya.
Shirkaan ayaa waxaa looga hadli doonaa dardar-gelinta fulinta heshiiskii 27-kii May laga gaaray qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa iyo Arrimaha amniga goobaha ay ka dhacaan doorashooyinka.
Warar la helayo ayaa sheegaya in inta uu socdo Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada ay ka qeyb geli doonaan Guddiyada doorashooyinka ee la magacaabay, kuwaasi oo Magaalada Muqdisho tababar uga socda.
Shirkaan ayaa lagu waday inuu shalay furmo, hayeeshee waxaa uu u baaqday sababo la xiriira tabasho uu Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ka qabay Shirka, balse Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa arrintaas xaliyey.