Magaca Ninkii Soomaaliga ee Weerarka ka geystay Jarmalka oo la shaaciyay 

Boliska magaalladda Wurzburg ee Koonfurta dalkaasi waxay magaca Ninka Soomaaliga ee saddexda qof ku dilay magaalladaasi ku soo koobeen Abdirahman J.

Hadal ka soo baxay Boliska waxay ku eedeeyeen Ninkaasi inuu qaaday waxa ay ugu yeereen Hawlgal Jihaad oo Shaqsi ahaaneed ‘Personal Jihad mission”.

Abdirahman J, oo 24- jir Dhimirka ka xanuunsan ah, waxa uu Jimcihii la soo dhaafay Toorey ku dileen 3 Haween oo ka mid ahaa dadweyne ku sugnaa Bakhaar ku yaalla magaalaldda  Würzburg oo 120 kilometers dhanka Bari kaga toosan magaalladda Frankfurt.

Boliska dalkaasi waxay sheegeen inuu Abdirahman J, uu dalka Jarmalka tegay bishii May ee sanadkii 2015-kii, isla markaana la siiyey Badbaadin Hoosaad aan gaarsiisnayn Magangelyo buuxda.

Waxa uu magaalladda Wuerzburg ku noolaa tan iyo sanadkii  2019-kii, isagoo ku noolaa goobaha ay gabaadka ka dhigtaan dadka aan Hoyga lahayn.

Eedeysanaha waxaa maalintii Sabtida la soo taagay Maxkamadda, wuxuuna Garsooraha amray in Xabsiga lagu sii hayo, iyadoo lagu eedeeyey 3 kiis oo dil ah, 6 Isku-day Dil iyo dhaawacyo halis ah.

Boliska Jarmalka waxay Axadii la soo dhaafay sheegeen in Weerarka uu Ninka Soomaaliga geystay ay ku geeriyoodeen 3 qof oo haween ah oo da’dooda kala ahayd 24-jir,  49- jir iyo 82- jir ah, iyadoo 6 kale oo haween u badan la dhaawacay.

Taliyaha Boliska Gobalka ay hoos tagto magaalladda Wurzburg, Gerhard Kallert waxa uu u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS inuu Ninka weerarka geystay uu soo galay Bakhaarka, oo uu weydiiyey halka ay mindiyaha dhigtaan, ka hor inta uusan Toorayda la dhicin Haweeney Iibiye ka ahayd Bakhaarka iyo 2 haween oo Bakhaarka wax ka iibsanayey.

Taliyaha waxa uu sii raaciyey in Ninka Soomaalida uu dibedda u cararay, isagoo 5 haween kale iyo ilmo yar dooxay.

Wasiir Gobaleedka Arrimaha Gudaha ee Wurzburg oo lagu magacaabo  Joachim Herrmann waxa uu sheegay inay Maamulayaasha wadaan baaritaao ku aadan haddii uu Ninka Soomaaliga gacan-saar la leeyahay Kooxaha loogu yeero Argagixisada.

Duqa magaalladda Wurzburg oo lagu magacaabo Christian Schuchardt, waxay sheegtay inaan falkaasi lagu eedeyn Karin guud ahaan Soomaalida, Qaxootiga, Kooxaha laga tirada badan yahay, Diin ama Jinsiyad.

ReplyReply allForward

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor