Maanta oo Axad ah ayaa la filayaa in magaalada Nouakchott ee caasimadda dalka Mauritania uu ka furmo shir Madaxeedka Midawga Afrika,waxaana ku sugan wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo shirkaas ka qeyb galaya.
Shalay gelinkii dambe ayaa waxaa dalkaasi gaaray wafdi uu hoggaminayey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) si ay shirkaasi uga qeyb galaan.
Shirkas ayaa qodobada looga hadli doona ka mid ah sidii loogu guuleysan lahaa dadaallada loogu jiro la dagaalanka Musuq-maasuqa si loo gaaro horumar ballaaran oo ay qaaraddu ku tilaabsato, iyada oo si gaar ah diiradda loogu saari doono furdasaha fududeyn kara la dagaalanka musuq-maasuqa iyo Caqabadaha jira.
Kulan madaxeedka oo ka qeyb galayaan madaxda Afrika ayaa sidoo kale looga hadlayaa Qorshayaal Muhiim ah oo ay kamid yihiin dib u qaabeynta hey’adaha kala duwan ee ururka midawga Afrika, sidii loo heli lahaa Maaliyad lagu wado howlaha hor-tebinta leh ee Midawga Afrika, nabadeynta iyo amaanka qaaradda, horumarinta ganacsiga xorta ah ee Qaaradda (AfCFTA), sida qaaraddu ay mowqif mideysan uga qaadan laheyd wada xaajoodka Heshiiska Iskaashi ee u dhexeeya Afrika, Caribbean iyo Pacific (ACP) iyo meel marinta Miisaaniyadda Ururka Midawga Afrika ee 2019.