Maxkamada ciidamada Qalabka sida qeybta 6aad ayaa Maanta waxa ay u fariisatay dacwad loo heystay Dable NISA eedeysane Cabdi naasir isaaq Iimaan oo loo heysto dilka qof Shacab ah.
Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa gudbisey dacwada dilka ah ee loo heysto Dable NISA eedeysane Cabdi Naasir Isaaq Iimaan,waxaan dhageysiga dacwadaas loo fariistay 28-6 2018,iyada oo Maanta kiiska dacwadaas loo heystay.
Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee qeybta 6aad gaashaanle dhexe Aadan Abuukar Maxamed ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamada.
Eedeysane Gacan ku dhigle Dable NISA Cabdi Naasir Isaaq Iimaan ina Maryan Maxamed oo 27 jir,kaas oo loo heysto dilka 6-5 2018 uu u geystay Marxuum la oran jiray Xasan Macalin Ibraahim.
Doo dheer kadib dacwadii uu soo gudbiyey maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybta 6aad iyo marqaatiyashii la horkeenay Maxkamada,isla markaana eedeysanaha uu qirtay dilka uu geystay,waxa ay Maxkamadu ku xukuntay dil toogasho ah.
Sidoo kale Maxkamada waxa ay 28-6 2018 ay u fariisatay dacwad ciqaabeedkii loo heystay eedeysane Xuseen Maxamed Sheekh Cismaan Ina Muslimo Aadan kaas oo lagu eedeeyey in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab laguna soo qabtay,isaga oo gacanta ku sitay Bambo nooca gacanta laga tuuro ah,isla markaana lagu xukumay 10 Sanno oo Xabsi ah.
Sidoo kale Maxkamada waxa ay 28-6 2018 ay u fariisatay dacwad ciqaabeedkii loo heystay eedeysane Dable Darwiish Abshir Cali Xasan Ina Xaawo Aadan Xasan kana tirsanaa ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka koonfur Galbeed kaas oo loo heystay in uu iibsaday qori ak47.
Doodheer kadib markii la eegay dacwadii uu soo gudbiyey xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo in uu isaga qirtay,waxa ay Maxkamada ku xukuntay in uu sii xirnaado ilaa Maamulka Koonfur Galbeed uu u soo celiyo qorigii uu iibsaday.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xukunka ee Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee qeybta 6aad gaashaanle dhexe Abuukar Xasan Maxamed.