Magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa waxaa Maanta si rasmi ah uga furmi doono Shirka sannadlaha ah ee madasha nabadda Paris, kaasi oo socon doona muddo saddex maalmood ah.
Shirkan ayaa waxaa dowladda Soomaaliya uga qeyb galaya Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada, iyagoona gelinkii dambe ee shalay u dhoofay dalka Faransiiska.
Madasha nabadda Paris oo ah kulan sannadeed caalami ah, ayaa looga hadlayaa xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daafaha caalamka.
Shirka sannadkaan waxaa ka qayb gelaya madax ka socota dalalka caalamka iyo hey’adaha caalamiga ah, waxaana Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu kulamo doceedyo la qaadanayaa qaar kamid ah madaxda kala duwan ee kasoo qayb geleysa kulanka.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa safarkiisa Faransiisaka kadib waxuu tegayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium, oo uu kula kulmayo hoggaanka cusub ee midawga Yurub.
Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Faransiiska iyo Bulguim ayaa qayb ka ah dardar gelinta ajandayaasha horumarinta qaranka iyo dadaallada loogu jiro cafinta deynta lagu leeyahay qaranka Soomaaliyeed.