Akhriso:-Maamul Cusub oo loo Magacaabay Degmada Diinsoor

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Abuukar Cabdi ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Degmada Diinsoor, isagoona maamul cusub u Magacaabay.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiir Maxamed ayaa waxaa Guddoomiyaha Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay loogu magacaabay inuu noqdo Cabdisalaan Xaaji Siidow, kaasi oo bedelaya Guddoomiyihii hore ee degmadaas.

Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Degmada Diinsoor ayaa loo magacaabay Aweeys Cali Siidow, halka Guddoomiye ku-xigeenka Arimaha Bulshada degmadaas laga dhigay Abshir Macalin Shariif.

Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa Mas’uuliyiinta Cusub faray inay shaqadooda u gutaan si hufan.

Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media