Shir lagu qabtay Talyaaniga iyo Soomaaliya oo ka qeyb gashay

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo Wafdigii uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada Milaano ee dalka Talyaaniga,si ay uga qeybgalaan shir ku saabsan Ganacsiga Dalxiiska,kaasi oo ay martigelinayso dowladda Talyaaniga,wuxuuna socon doona muddo labo maalmood ah.

Wafdiga wasiirka ayaa ku soo bandhigaya shirkaasi fursadaha dhinaca ganacsiga Dalxiiska ee Soomaaliya kajira,kuwaasi oo wasaaraddu ay waddo dadaalo lagu horumarinayo,sidoo kale wasiirka iyo wafdigiisa ayaa lafilayaa in ay kulmo gooni gooni ah la yeeshaan madaxda ka qeybgalaysa shirkaasi.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa safarka uu ku aaday dalka Talyaaniga waxaa ku wehlinaya xubno uu ka mid yahay agaasimaha waaxda dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Shirkan ayaa ahmiyad gaar ah u leh Soomaaliya,maadaama wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ay sii laba jiraatay dadaalka ay ugu jiro sidii horumar ballaaran looga sameyn lahaa fursadaha dhanka ganacsiga dalxiiska ee Soomaaliya.

Dhanka kale Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah oo ku saleysan dhaqan dhaqaale iyo xiriir saaxiibtnimo iyo mid diplomaasiyadeed oo qoto dhee

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media