Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenadiisa ayaa xalay kormeer dhowr sac qaatay ku tagay 17-degmo ee Gobolka Banaadir, iyagoo waday gurmadka loo sameynaayo dadka dantayar ee saameeyay roobabkii da’ay Caasimadda.
Guddoomiye Cumar Finish ayaa ugu horeyn booqday dhismihii hore ee wasaarada arimaha gudaha ee degmada Boondheere oo ay kunoolaayeen dad barakacayaal, waxaana kusoo dubay dhismaha ay daganaayeen iyadoo laga soo saaray laba ruux oo dhismahaasi ku hoos jiray.
Sidoo kale kormeerka madaxda maamulka gobolka Banaadir ayaa ah mid ay ugu kuur galaayeen saameenta ay daadadka roobka ku yeesheen isticmaalka wadooyinka.
Qaar kamid wadooyinka Caasimada oo uu Gudoomiyaha gobolka Banaadir kormeeray ayaa qaar kooda bur burburay sidoo kale qaar kale ayaa roobka biya dhigay.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo guddoomiye ku-xigeenada maamulka Gobolka ayaa mid mid u booqday guryaha ay kunool yihiin qoysaska danta yar ee uu biyaha roobka gudaha u galeen waxey sidoo kale masuuliyiinta kormeer lug ah kumareen wadooyinka ay biyaha dhigeen roobabkii da’ay.