Shiinaha oo Maraakiib Dagaal u soo diray Xeebaha Somalia

Dhowr Markab Dagaal oo ay leeyihiin Ciiddanka dalkaasi ayaa waxay ka soo shiraacdeen  Dekedda magaalladda Zhanjiang oo ku taalla Gobalka Guangdong  ee Koonfurta Shiinaha, kuwaasi oo ku soo wajahan Gacan-biyoodka Cadmeed, si ay u gelbiyaan Maraakiibta Rayidka ee isaga kala gooshta marin-biyoodka Gacanka Cadmeed iyo kan Hormuz.
 ilaa 700 Saraakiil iyo Ciiddamo ayaa la socdaa Maraakiibta ay Shiinaha u soo direen Xeebaha Somalia, waxaana Maraakiibtaasi ka mid ah Mid ay Gantaallo ku rakiban yihiin, Markab nooca Berri-biyoodka iyo Markab sahayda qaada.
Waxaa kaloo wehliya Ciiddamo Khaas u tababaran iyo 3 Diyaaradaha Helikopterada ee ay Qoryaha ku rakiban yihiin.
Dhinaca kale, Ciiddanka Badda ee Shiinaha waxay Hawlgalladda Gelbinta Maraakiibta ee Xeebaha Somalia bilaabeen bishii December ee sannadkii 2008-dii, waxayna  gelbiyeen 6,595 Markab, waxayna badbaadiyeen ama taageero siiyeen in ka badan 60 Maraakiib laga leeyahay shiinaha iyo kuwo kale.
 10-kii sanno ee la soo dhaafay, Shiinaha waxay u soo direen Xeebaha Somalia Saraakiil iyo Badmaaxiin tiradoodu dhan tahay 26,000 Askari.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media