DEG DEG:-Xildhibaano Gudbiyay mooshin xilka qaadis ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo

Kadib kulan ay Albaabada u xirnaayeen oo Xarunta Villa Hargeysa ee Magalada Muqdisho ay ku yeesheen Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo tiro Xildhibaanaha ayaa waxaa Gudoomiyaha loo gudbiyay mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo.

Warqad uu ku saxiixan yahay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Cabdi Kariin Buux ayaa ku qorneed in Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu qabtay mooshinkaas,hayeeshee aan sirasmi ah loo soo bandhigin tirada Xildhibaanada mooshinka gudbiyay.

Mooshinka xilka qaadista Madaxweynaha ayaa waxaa gudbin kara 92 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media