Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiir Cusub

Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waraaqaha aqoonsigadanjiranimo ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Norwey u fadhin doonta Soomaaliya Elin Bargithe rognlie.

Danjire Elin Bargithe rognlie ayaa  sheegtay inay sii laba laabi doonta adkeynta xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya Soomaliya iyo Norway.

Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo goobjoog ka ahaa munaasabada uu madaxweynuhu warqadaha ka guddoomay safiirka dalka norway ayaa ka hadlay.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuu maanta xafiiskiisa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo uga guddoomay safiirka cusub ee dalka Norwey gabadha la yiraahdo Elin Bargithe rognlie,madaxweynaha iyo safiirku waxay ka wada hadleen sidii xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Norwey loo sii xoojin lahaa,” ayuu yiri Wasiirka Axmed Ciise Cawad.

Sidoo kale,Wasiir Cawad ayaa sheegay in dalka Norwey uu yahay dalalka ugu taageerada badan saaxiib dhowna la ah Soomaaliya,waxayna Dowladda Norwey madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo shacabka Soomaaliyeed si aad ah ugu ammaaneen horumarka dhan kasta ah ee uu dalka gaaray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media