Wasiirka Arrimaha Dibedda Shiinaha, Wang Yi ayaa ugu baaqday Waqooyiga Kuurya inay joojiyaan Dhaqdhaqaaqyadda Tijaabinta Gantaalladda, si ay ugu bedeshaan in ay Maraykanka iyo Koonfurta Kuurya joojiyaan Carbiska Milliteri ee ay ka wadaan Xeebaha Koonfurta Kuurya.
Waxa uu tilmaamay in Tallaabada ugu horreyso looga baahan yahay inay Waqooyiga Kuurya ku hakiyaan Dhaqdhaqaaqyadda Barnaamijka Nukliyeerka iyo Tijaabinta Gantaalladda.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Shiinaha, Wang Yi waxa kale oo uu Dowladda Koonfurta Kuurya ku eedeeyey inay ku qaldanyihiin in loo soo daabulo Gantaalladda Maraykanka ee Lidka Difaaca Gantaalladda ee THAAD, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Gantaaladaasi khatar ku yihiin Ammaanka dalka Shiinaha.
Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Shiinaha, Ji Jiyan ping iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, Rex Tillerson ayaa la filayaa inay isbuuca dambe ka wada hadlaan Xiriirka Labada Dal iyo Xiisadda ka dhex taagan Labada Kuurya
©Radio Dalsan