Saynisyahanno ka soo jeeda dalka Mareykanka ayaa sheegay Shiinaha inuu ballaarinayo awooddiisa samynta iyo keydsiga hubka Niyukilarka.
Warbixin ay soo saareen Federeeshinka Saynisyahannada Mareykana ee loo soo gaabiyo FAS waxaa lagu sheegay sawir dhanka satelite lagu qaaday inuu muujinayo Shiinaha oo gobolka Xinjiang ka dhisanayo xaruunta Niyukilarka ee Silo.
Saraakiisha gaashaandhigga Mareykanka waxay walaac ka muujiyeen awoodda Niyukilarka Shiinaha ee sii kobceyso.
Xaruuntan cusub ee Niyukilarka ee Silo waxay noqoneysaa xaruunti labaad uu labada bilood ee ugu dambeeyey dhismaheeda uu ka billaabo Galbeedka Shiinaha.