Madaxweynaha Maamulka K/galbeed. Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta si rasmi ahaan u shaaciyey inuu ka mid yahay Musharixiinta u taagan Doorashadda Madaxweynaha Somalia ee la filayo in bishan November 30-da loo codeeyo.
Shariif Xasan oo ka hadlay Munaasabadaasi oo ka dhacday magaalladda Baydhabo ayaa tilmaamay inuu bilaabayo Ololihiisa Doorashadda, si uu ugu guuleysto Xilka ugu sarreeyo Hoggaaminta Qaranka.
Qaar ka mid ah Wasiiradda iyo Xildhibaanadda Barlamaanka K/Galbeed ayaa si kulul u naqdiyey Musharaxnimadda Madaxweynenimo ee Shariif Xasan, waxayna go’aankiisa ku tilmaameen mid baal-marayo Dastuurka u yaalla Maamulka K/galbeed.
Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Wasiirkii Maaliyadda iyo Guddpoomiyaha Barlamaanka ka soo noqday Dowladiii KMG ee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegaa inuu yahay Siyaasi aan lahayn Siyaasad Sal leh, isla markaana uu ciyaarayo Siyaasad Labo Afle ah oo uu doonayo inuu Musharixiin kale ku noqdo Caqabad uu kaga hor joogsan karo Xilka Madaxweynaha Qaranka Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, hadalka Madaxweynaha K/Galbeed ayaa ku soo beegmay, isagoo aan weli ku dhawaaqin inuu iska casilay Xilka Madaxweynaha Maamulkaasi, taasi oo ugu dan leeyahay haddii uu ku soo bixi waayo Doorashaddaasi inuu ku sii nagaado Kursiga Madaxtooyadda Baydhabo.
©Radio Dalsan