Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Somalia (NUSOJ), Maxamed Ibraahim Macallimu iyo Guddoomiyaha Dalladda Warbaahinta Madaxa-bannaan ee Somalia (SIMHA), Xasan Cali Geesey ayaa ku baaqay in la joojiyo Dagaalka ka soo cusboonaaday magaallo-madaxda Gobalka ee Gaalkacyo.
War Saxaafadeed ay NUSOJ iyo SIMHA soo kala saareen waxay ku baaqeen in la badbaadiyo dhamaan Suxufiyiinta iyo Dadka Birri-ma-geydada ee lagu dul dagaalamayo.
Baaqa NUSOJ iyo SIMHA ayaa soo baxay, kadib, markii dagaalkii maanta ka dhacay Gaalkacyo uu ku dhaawcmay Weriye Mahad Cali Maxamed “Honsety” oo ka tirsan Weriyaasha Idaacadda Codka Mudug.
Weriyahaasi ayaa la sheegay inay xabbad wiifto ah kaga dhacday madaxa, xilli ku sugnaa gurigiisa, waxaana haatan lagu daaweynayaa Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo.
©Radio Dalsan