Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa siaag oo Maanta hadal kooban ka jeedinayey xeritaankii Shirkii golaah Iskaashiga Dowlad goboleedyada ayaa waxa uu soo bandhigay dhibaatada ugu daran ee xiligaan heysata.
Shariif Xasan waxa uu sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu dhibaatooyin amnidarro ku qabo Wadooyinka isku-xira Baydhabo Muqdisho iyo Baraawe iyo Muqdisho loogana baahan yahay in dowladda Soomaaliya wax ka qabato.
” Anaga dhibka ugu badan waxuu inaga heystaa Jidka Muqdsho Baraawe Muqdisho Baydhabo. Waxaan u baahanahay in laga shaqeeyo sidii dhulkaa loo xoreeeyn lahaa. Dowladana waxaan ka sugeynaa iney garowsato waxa wadanka ka jira”
Inta badan Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay Shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa waxa ay eedeyn u jeediyeen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.