Madaxweynihi hore ee Dalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran oo safar hal maalin ah ku joogay Caasimadda Dowlad Goboleedka HirShabelle ee Jowhar ayaa kasoo amba baxay halkaas isagoo soo gaaray Caasimadda dalka ee Muqdisho.
Madaxweyne Shariif ayaa Garoonka Aadan Cadde waxaa kusoo dhaweeayay Mas’uuliyiin ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran.
Madaxweynihi hore ee Dalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa inta uu ku sugnaa Jowhar waxaa uu kulamo la qaatay Odayaasha dhaqanka ee ku sugan Jowhar ee dhawaan soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Maamulka.
Shariif ayaa Odayaasha dhaqanka ee uu la kulmay u sheegay in Magaalada Jowhar uu u tegay sidii loo dhameyn lahaa tabashooyinka ay qabaan beelaha, isla markaana uu doonayo in wax kasta oo xal ah la gaaro, si loo dhiso Hirshabeelle mideysan oo loo dhan yahay.