Guddoomiyihii hore ee Gobolka Baadir Taabit Cabdi Mxamed ayaa farriin u diray shacabka Soomaliyeed iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, waxana uu ka hadlay sida dadka danyarta ah ee ku nool muqdisho ay saameynta ugu yeesheen Robabka Mahiigaanka ah ee Magaalada Muqdisho ka da’aya.
Hoose ka Aqriso qoraalka uu soo saaray Taabit Cabdi
Nimca waliba nusqaanteeda ayey leedahay Roobbabka mahiigaanka ah ee maalmahan ka da’aya qeybo badan oo dalka ka midda gaar ahaan Muqdisho, waxey saameyn ku yeesheen nolol maalmeedka dadka sida; isku socodka, ganacsiga, deggaanka iyo fayodhowrka. Waxaan Alle ka baryeynaa in uu ummadda uga dhigo mid lagu qabowsado oo aanan wax dhib ah gaarsiin dadka, gaar ahaan kuwooda danyarta ah.
Waxaan ka codsanayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay ka warhayaan dadka xaaladda adag ku nool ee danyarta ah, una baahan gargaar wallaalnimo oo deg deg ah.
Dhanka kale, waa dhab in adeegga bulsho uu aad u liito, haddaba Maamulka Gobolka Benaadir iyo Dowladda Federaalka mas’uuliyad gaar ah ayaa ka saaran iney shacabka u gurmadaan xilliyadan adag, loona diyaar garoobo ka hortagga ama loo xakameeyo waxyeelada naf iyo maal ay daaddadku horseedi karaan.