Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxii Maanta ka dhacay Maqaayad ku taalla Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.
Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo la dhigay Mayaalada lagu magacaabo Filsan oo ku taalla meel ku dhow Hoteelka Wehliye ayaa qarxay,iyadoo xiligaas ay goobta ay aheyd mid aad u mashquul badan, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku geeriyootay qaraxaas,halka 20 kalena ay ku dhaawacmeen,waxaana dadka dhaawacmay ku jiray Sheekh Yuusuf Cali Ceynta oo ah Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed .
Sidoo kale waxaa qaraxaasi ku dhintay Shaqaalle ka tirsanaa Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya,kaasi oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Cawil Yuusuf Xasan.
War qoraal ah oo lagu daabacay baraha internet-ka Al-shabaab ayaa waxa ay ku sheegteen Mas’uuliyadda qaraxaas,iyagoona sheegay in ay ku dileen saraakiil iyo Howlwadeenno ka tirsan dowladda.