Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa xilkii looga qaaday Taliyihii Ciidamada Asluubta Somaliland,iyadoona Taliye cusub lagu magacaabay.
Sarreeye Guuto Axmed Cawaale Yuusuf ayaa waxaa loo magacaabay in uu noqdo Taliyaha cusub ee Ciidamada Asluubta Somaliland,kaasi oo bedelaya General Maxamed Cismaan Xudhuu oo ahaa Taliyihii Ciidamadaas.
Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa u mahadceliyay General Maxamed Xudhuu,isla markaana ku amaanay shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay intii uu xilka haayay.
Hoos ka Akhriso Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.