Ciiddan ka tirsan Milliteriga Malta ayaa waxay xoog ku galeen Markabkaasi, iyagoo u itaal sheegtay dhowr ka mid ah Muhaajiriinta oo Kabtanka Markabkaasi u caga-jugleeyey, kuna khasbay inuu geeyo Malta.
Markabkaasi oo ay la socdeen 108 Muhaajiriin oo ay ka mid ahaayeen 12 carruur iyo 19-haween waxa uu ku xirtay Dekedda magaalladda Senglea ee K/bari ee dalka Malta, iyadoo Boliska lagu wareejiyey dhamaan Muhaajiriinta iyo shaqaalihii Markabka, si baaritaano loogu sameeyo.
5 ka mid ah Muhaajiriinta ayaa la arkayey iyagoo jeebadaysan oo la saarayo gaari ay Boliska Malta lahaayeen, halka Muhaajiriinta kale oo uu daal ka muuqday loo gudbiyey Xarun lagu soo dhaweeyo Qaxootiga, si baaritaan caafimaad loogu sameeyo.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya inaan wax hub ah loo adeegsanin Afduubka Markabkaasi, balse, Shaqaalihii Markabka loo awood-sheegtay, laguna khasbay inay raacaan Amarka Shaqsiyaad ka tirsan Muhaajiriinta ka dambeyay afduubkaasi.
Dhinaca kale, weli lama shaacinin dalalka ay ka soo kala jeedaan Muhaajiriinta la socotay Markabkaasi.
Ra’isul-wasaare-ku-xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga, Maatiyo Salfiini waxa uu Muhaajiriinta afduubatay Markabkaasi ku tilmaamay sidii Burcad-baddeed oo kale, wuxuuna sheegay inaysan ku soo xiran karin Dekedaha Talyaaniga.