• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, July 3, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Saxafi Somali ah oo khatar ugu jira in laga soo masaafuriyo dalka Kanada

Dalsan Editor by Dalsan Editor
June 27, 2015
in Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Saxafi Soomaaliyeed oo muddo dheer ka mid ahaa Jaalliyadda Soomaalida ku nool Gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa la sheegay in dalka Kanada laga soo masaafirinayo, laguna soo celinayo  dalka Somalia.

Saxafigaasi oo lagu magacaabo Liibaan Diiriye, la Ilyaas Macow ayaa waxa uu sannadkii 1998-dii ka soo tegay dalka Kanada, kadibna waxa uu  yimid  Gobalka Minnesota, si uu magangelyo uga helo.

Liibaan Diiriye waxa uu ahaa Asaasaha iyo Daabacaha Websaytka Mogadishu Times.

Shabakadda Wararka ee Idaacadda Minneapolis Public Radio ee www.mprnews.org ayaa qortay in Liibaan Dirie uu dhowr jeer hanjabaad ka helay Alshabaab, kadib, markii uu Websaytkiisa Mogadishu Times ku soo bandhigay Video uu Alshabaab ku cambaaraynayo.

Mid ka mid ah Muuqaalladda Video-ga ee uu ku soo bandhigay Websaytkiisa ayaa la sheegay inay daawadeen 160,000 oo qof, inkastoo ay Burcadda Internetka dhowr jeer jabsadeen Wabsaytkiisa.

Dowladda Maraykanka waxay ku gacan-sayrtay codsigiisa magangelyo-doonka sannadkii 2005-tii, kadib, markii la ogaaday Kiis Dacwo ah oo 20-sanno ka hor ku galay gudaha dalka Kanada, isagoo lagu eedeeyey inuu jirdilay xaaskiisii hore oo ay haatan kala tageen oo lagu magacaabo Xamdi Nuur.

Mar Khadka Telefoonka lagula xiriiray Xamdi Nuur iyadoo ku sugan magaalladdfa Toronto, waxay sheegay inuu kiiskaasi dhacay muddo ka badan 20-sanno, isla markaana uusan ahayn shil khatar ahaa.

Waxay intaasi ku dartay inay saygeeda hor ee Liibaan Diiriye saaxiibo yihiin, isla markaana uu saaxiib la yahay gabadhiisa oo haatan 23-jir ah.

Dhinaca kale, Dowladda Kanada ayaa ku wargelisay Liibaan Diiriye oo 47-jir ah inuu yahay Dembiile aan laga jeclayn dalka Kanada, isla markaana si buuxda dib loogu eegayo codsiyaddii uu qortay markii uu Qaxooti ahaanta isaga dhiibay dalka Kanada.

Dowladda Kanada ayaa la filayaa inay maalinta Isniinta go’aan ka gaaraan, kadib, marka Liibaan Diiriye lala yeesho Wareysi kale.

Waxaana suurto-gal ah in  Liibaan Diiriye loo soo masaafuriyo dalkiisa hooyo ee Somalia.

Senotor Keith Ellison oo ah Mudane ka tirsan Xisbiga Jambuuriga ee Maraykanka, lagana soo doorto Gobalka Minnesota ayaa ugu baaqay Dowladda Kanada inay sameeyaan wax kasta si lagu gaaro Xeer jajab horseedi karta inaan Saxafigaasi lagu celinin gudaha Somalia, si uusan ugu gacan-gelin Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuuna intaasi ku daray inay nolosha Saxafigaasi khatar ku jirto haddii lagu celiyo Somalia.

Sannadkii la soo dhaafay, Liibaan Diiriye waxa uu noqday Bukaan ka jiran Beerka, wuxuuna bilaabay inuu raadiyo si looga daaweeyo cuddurka kaga dhacay Beerka.

Xigasho:- www.mprnews.org

© Warqabadka Radio Dalsan

Previous Post

Garyaqaano soo bandhigay qorshe lagu sii dayn karo Soomaali ku xiran Maraykanka

Next Post

Xoghayaha Ururka Shaqaalaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed oo lagu baaqay in la sii daayo

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Madasha Mucaaradka oo Shir Xasaasi ah Ku Leh Muqdisho Ka Hor Kulanka Labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh
Warar

Madasha Mucaaradka oo Shir Xasaasi ah Ku Leh Muqdisho Ka Hor Kulanka Labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo Kulan Caalami ah la yeeshay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay
Warar

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo Kulan Caalami ah la yeeshay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

July 2, 2025
Dhalinyarada Mootada Fekon-ka ku Shaqeysata oo Banaanbax ka Dhigay Isgoyska KM4 ee Muqdisho
Warar

Dhalinyarada Mootada Fekon-ka ku Shaqeysata oo Banaanbax ka Dhigay Isgoyska KM4 ee Muqdisho

July 2, 2025
Diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika oo ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
Warar

Diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika oo ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

July 2, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah u soo xiray Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah u soo xiray Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax-Dhigay Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax-Dhigay Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah

June 30, 2025
Next Post

Xoghayaha Ururka Shaqaalaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed oo lagu baaqay in la sii daayo

Madasha Mucaaradka oo Shir Xasaasi ah Ku Leh Muqdisho Ka Hor Kulanka Labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh

Madasha Mucaaradka oo Shir Xasaasi ah Ku Leh Muqdisho Ka Hor Kulanka Labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh

by Ilhaan
July 2, 2025
0

Siyaasiyiinta Madasha Mucaaradka Soomaaliyeed ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta shir xasaasi ah ku leh...

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo Kulan Caalami ah la yeeshay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo Kulan Caalami ah la yeeshay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

by Ilhaan
July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada Sevilla ee...

Dhalinyarada Mootada Fekon-ka ku Shaqeysata oo Banaanbax ka Dhigay Isgoyska KM4 ee Muqdisho

Dhalinyarada Mootada Fekon-ka ku Shaqeysata oo Banaanbax ka Dhigay Isgoyska KM4 ee Muqdisho

by Ilhaan
July 2, 2025
0

Dhalinyarada ku shaqeysata Mootada Fekon-ta ayaa maanta banaanbax cabasho ah ka dhigay isgoyska muhiimka ah ee KM4 ee magaalada Muqdisho,...

Diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika oo ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika oo ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

by Ilhaan
July 2, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan, ayaa xaqiijiyay in diyaarad nooca Helicopter Army ah oo...

Madasha Mucaaradka oo Shir Xasaasi ah Ku Leh Muqdisho Ka Hor Kulanka Labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh
Warar

Madasha Mucaaradka oo Shir Xasaasi ah Ku Leh Muqdisho Ka Hor Kulanka Labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh

July 2, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo Kulan Caalami ah la yeeshay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay
Warar

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo Kulan Caalami ah la yeeshay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

July 2, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dhalinyarada Mootada Fekon-ka ku Shaqeysata oo Banaanbax ka Dhigay Isgoyska KM4 ee Muqdisho
Warar

Dhalinyarada Mootada Fekon-ka ku Shaqeysata oo Banaanbax ka Dhigay Isgoyska KM4 ee Muqdisho

July 2, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika oo ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
Warar

Diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika oo ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

July 2, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah u soo xiray Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah u soo xiray Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka

July 2, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Young Motorcycle Riders Protest in Mogadishu Over Alleged Harassment and Extortion
English News

Young Motorcycle Riders Protest in Mogadishu Over Alleged Harassment and Extortion

July 2, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Madasha Mucaaradka oo Shir Xasaasi ah Ku Leh Muqdisho Ka Hor Kulanka Labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh
  • Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo Kulan Caalami ah la yeeshay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay
  • Dhalinyarada Mootada Fekon-ka ku Shaqeysata oo Banaanbax ka Dhigay Isgoyska KM4 ee Muqdisho
  • Diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika oo ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00