Xoghayaha Ururka Shaqaalaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed oo lagu baaqay in la sii daayo

War Saxaafadeed uu Guddoomiyaha Isu-tagga Ururweynaha Soomaaliyeed, Mohamed Osman Hagi  maanta soo saaray ayaa waxa uu  wax wax laga xumaado ku tilmaamayaa xarriga loo geysay Xoghayaha Ururka Shaqaalaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed Cabdiqaadir Xasan Nuur  oo ka mid ah  Madaxda ururada hoos yimaada Isu Tagga Ururweynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed oo mudo ka badan hal bil, ku xiran godka jilacow.

Nuqul ka mid ah Qoraalka oo E-mail ahaan loogu qeybiyey Saxaafadda ayaa waxa lagu sheegay inaysan haba yaraatee jirin wax dembi ah oo loo haysto Mas’uulkaasi.

War Saxaafdeedka waxa kaloo lagu sheegay inay Madaxda Isu Tagga Ururweynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed codsanayaan in sida ugu dhakhsiyaha badan  xorriyadiisa loo soo celiyo geysay Xoghayaha Ururka Shaqaalaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed Cabdiqaadir Xasan Nuur.

Sida distuurka qaranka iyo Xeerka Habka Ciqaabta ku qeexan, ma bannaana in qofna la baaro, la xiro ama la xayiro, haddii aan loo marin hab  sharciga waafaqsan, isla markaana uu qof kasta xaq u leeyahay xorriyadiisa shaqsiyadeed.

War Saxaafadeedka waxa uu ugu baaqay Madaxda Sare ee Dowladda Federalka In sida ugu dhaqsaha badan loo sii daayo Xoghayaha Ururka Shaqaalaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed Cabdiqaadir Xasan Nuur  ama maxkamad sharciga ah la hor keeno, isla markaana la ixtiraamo Madaxda Ururada Shaqaalaha ee Ku howlan Wax ka qabashada Arrimaha Bulshada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor