Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooynka Qaranka ayaa Maanta shahaadada KMG ah ee diiwaaangelinta Xisbiyada siiyay Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka kaas oo uu hoggaamiye ka yahay Guddoomiyihii hore ee Gobolkan Banaadir Xasan Maxamed Xuseen(Muungaab)
Janeraal Muungaab ayaa soo noqday Guddoomiyaha Maxkmadda Ciidanka Qalabka Sida xilligii dowladdii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed,sidoo kale uu soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.
Munaasabad diiwaangelinta oo ka dhacday Xarunta guddiga doorashooyinka Madaxa Banaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaano hore iyo Aqoonyahano Xisbigaas ka mid ah.
Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ee uu hoggaamiyo Xasan Maxamed Xuseen(Muungaab) ayaa waxaa uu ka mid noqonaya Xisbiyada Siyaasadeed ee sida KMG ah loo diiwaangeliyay,kuwaas oo ka qeyb qaadan doona doorashooyinka dalka la filayo inay ka dhacaan Sanadka 2021