Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in diyaarado dagaal ay duqeyn ka geysteen deegaano ka tirsan gobolkaas.
Deegaan lagu Magacaabo Maamiye una dhaxeeya deegaanada Ceelhuur iyo Camaaar ayaa la sheegay inay duqeyntaas ka dhacday,isla markaana lala eegtay Saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in la duqeeyay Gaari ay wateen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab wallow fah faahin intaasi dheeraad ah aan laga helin.
Saraakiil ka tirsan Maamulka Galmudug oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay sheegeen inay duqeyntaasi jirto,hayeeshee wararka kusoo kordha ay soo gudbin doonaan.
Duqeynta ka dhacday deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ayaa wax ay ku soo aadeysaa xilli Maanta deegaan duleedka ka ah degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ay ku dagaalameen Al-Shabaab iyo Ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug.