Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay waxaa gaaray wefdi uu hogaaminayay Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.
Wafdiga ayaa waxa siweyn Garoonka Diyaaradaha Baydhabo ugu soo dhaweeyay Masuliyiin ka tirsan Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo ugu horeeyo Wasiirka dastuurka Koonfur Galbeed Cabdullahi Sheekh Xasan,Wasiirka Amniga iyo amsuuliyiin kale.
Wafdiga ayaa waxaa intaasi kadib loo gudbiyay Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya waxana xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed ku qaabiley Kusimaha Madaxweynaha Koonfur galbeed ahna wasiirka Amniga Xasan Xuseen Maxamed (eeley)
Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed Cabdulaahi Sheekh Xasan oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in magalada baydhabo ka furmi doono shir u dhaxeeya Maamul Goboleedyada Iyo Dowladda federaalka Soomaaliya.
Hoos Ka Daawo Sawirada soo dhaweynta Wafdiga ee Magaalada Baydhabo.