Wasiirka Caafimaadka ee dalka Turkiga, Axmed Demirikan waxa uu maanta soo booqday dhowr Isbitaal oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Ankara oo lagu daawaynayo Dhibanayaashii ku dhaawacmay Qarixii bilowgii bishan ka dhacay magaalladda Muqdisho
36 Bukaan oo ku dhaawacmay qaraxaasi oo ay ku jiraan 3 carruur ah ayaa haatan lagu daaweynayaa Isbitaaladda Polatli, Numune iyo Gulhane hospitals oo ku yaalla nawaaxiga magaalladda Ankara.
Wasiirka Caafimaadka ee dalka Turkiga,oo Suxufiyiinta maanta kula hadlay Isbitaalka Numane hospital ayaa sheegay inay Dhibanayaasha helayaan Daawaeynta lama huraanka ah.“necessary treatmentâ€.
Isbitaalka Tabaraka iyo Cilmi-baarista ee Ankara Numune Training and Research Hospital waxa uu mid yahay Xarumaha Caafimaad ee ugu wanaagsan dalka Turkiga.
“Turkiga waxay qaaday Waajibaadka Samafalka ee saaran iyo inay  bixiso Daaweynta lama huraanka ah†ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka ee Turkiga oo shalay ka soo laabtay Booqasho shaqo oo uu ku yimid magaalladda Muqdisho.
Dhinaca kale, Dowladda Turkiga ayaa noqotay dalkii ugu horreeyey ee Hurmad Caafimaad la soo gaara dadkii ku dhaawacmay qaraxii Sabtigii hore ka dhacay Muqdisho, oo ay in ka badan 300 qof ku geeriyootay.
Dowladda iyo Ururka Bisha Cas ee Turkiga waxay Daawooyin, Qalab Caafimaad, Bustayaal iyo Teendhooyin soo gaarsiiyeen dadkii ku dhaawacmay qaraxii dhawaan ka dhacay Isgoyska KM 5 ee magaalladda Muqdisho.
Vigasho: ANADOLU NEWS AGENCY