Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Manta gaaray Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen),iyad aoo siwyen loogu soo dhaweeyay.
Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacbaka ayaa safarkiisa ku wehliya,waxaana saacadaha nasoo aadan uu ku dhawaaqi doonaa inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Wasiir lafta gareen uu yahay kana ugu cad cad musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed,isla markaana ay wadato dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa hadii uu ku dhawaaqo musharaxnimadiisa waxa uu weyn doonaa Xubunimadiisa xildhiban iyo xilka wasiirnimo.
C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa horay ugu tartamay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacbaka,isaga oo xilligaas iska casilay wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha balse markii dambe loo Magacaabay C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).