Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saakay waaberigii dib uga bilaawday deegaanka dhumay ee gobolka Sool kaas oo la sheegay inuu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Dagaalka ayaa waxa uu u dhaxeeyey laba maleeshiyo beeleed,kuwaas oo dhowr mar ku dagaalamay deegaanka dhumay ee koonfurta gobolka Sool.
Wali lama sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas,waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ay weli maqlayaan rasaas goos goos ah.
Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Goordhow deegaanka dhumay ay gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliland si ay u kala dhex galaan maleeshiyaadka dagaalamaya.