Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa goordhow Suuqa Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen mid kamid ah Ganacsatada Suuqaasi.
Dad goobjoogayaal ah ayaa Dalsan u sheegay in ganacsadaha lagu dhex dilay Carwo uu ku lahaa Suuqa Xamarweyne,isla markaana lagu magacaabi jiray Maxamed C/qaadir Jeeylaani
Sidoo kale waxaa la sheegay in ruuxa dilka loo geystay uu ahaa wiil dhalinyaro,waxaana goobta uu dilka ka dhacay durbo ka baxsaday ragii ka dambeeyay dilka.
Sidoo kale goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan dowlada kuwa Booliska Soomaaliya,kuwaasi goobta ka sameeyay baaritaano ku aadan falkan.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto askarta ka tirsan Ciidamada dowlada iyo dadka shacabka ah.