Koox ka kooban madax hore iyo hoggaamiyeyaal xisbi oo si weyn looga qadariyo siyaasadda Soomaaliya ayaa maanta si wadajir ah u soo saaray war-saxaafadeed ay kaga digeen xaaladda cakiran ee siyaasadeed ee dalka, iyagoo si toos ah ugu eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka leexday doorkii qaran ee laga filaayay.
War-saxaafadeedka waxaa saxiixay 16 mas’uul oo horey u soo qabtay xilal muhiim ah, oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaareyaashii hore Xasan Cali Khayre, Maxamed Xuseen Rooble, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyo tiro siyaasiyiin kale oo caan ah.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba ay burburtay Madashii Wadatashiga Qaran, taas oo ahayd madal siyaasadeed oo isu keeni jirtay dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, iyo qaybaha kala duwan ee siyaasadda. Madaxda ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha inuu u leexday kooxaysi siyaasadeed halkii laga rabay inuu noqdo hoggaamiye mideeya ummadda.
Waxay ku baaqeen in si degdeg ah loo bilaabo wada-tashi qaran oo dhab ah, oo ay ka qayb qaataan dhammaan qaybaha bulshada: siyaasiyiinta, culimada, haweenka, iyo dhalinyarada — si looga hortago khataraha ka imaanaya kalitalisnimo siyaasadeed iyo burburka nidaamka Federaalka.
Qoraalka waxa uu si gaar ah uga digay faragelinta Villa Soomaaliya ee arrimaha Jubbaland, iyagoo Madaxweynaha ku eedeeyay “fidno siyaasadeed” iyo inay socdaan dadaallo lagu caburinayo madax-bannaanida maamulkaas. Waxaa si kulul loo cambaareeyay isticmaalka hantida qaranka iyo jagooyinka dowladda si loogu xadgudbo xorriyadda siyaasadeed.
Madaxda saxiixday bayaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda Galmudug, Hirshabeelle, iyo Koonfur Galbeed inay tixgeliyaan rabitaanka shacabka, maadaama muddo xileedkooda uu dhammaaday. Waxay ku booriyeen inay qabtaan doorashooyin xor ah oo dastuur waafaqsan, islamarkaana aysan noqon garab siyaasadeed oo lagu wiiqayo nidaamka federaalka.
War-murtiyeedka ayaa tilmaamaya culays siyaasadeed oo sii kordhaya oo lagu saarayo Villa Soomaaliya, iyagoo madaxda hore xusay in dalka uu marayo marxalad halis ah oo u baahan isbedel hoggaamineed oo dhab ah, si wax looga qabto dhibaatooyinka siyaasadeed, amni, iyo bani’aadamnimo ee dalka ka taagan.