NUSOJ oo Dalbatay in La Sii Daayo Laba Saxafi

Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Ee Nusoj ayaa Dalbaday in Xabsiyada laga sii daayo Laba Saxafi oo ku kala xiran Magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera.

Ururka ayaa ka codsaday Dowladda Soomaaliya iney sii deyso Wariye C/Fataax Xasan oo loo yaqaano Kalgacal oo ka howlgala Radio Goob Joog Ee Muqdisho.

Waxa uu sido kale Ururka Nusoj uu dalbaday in la xabsiga laga sii daayo Wariye Axmed Saciid Maxamed oo ka tirsan Kalsan Tv oo ku xiran Magaaladda Berbera Ee Maamulka Somaliland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor