Wakiilka Cusub ee Qaramada Midoobay dhawaan u soo Magacaawday Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa Maanta Magalada Baydhabo waxa ay kula kulmeen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Kulanka labada dhinac ayaa waxa ay uga hadleen sidii xal looga gaari lahaa khilaafka daba dheeraaday ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.
Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ahna Guddoomiyaha Golaha iskaashiga ayaa Wafdi ga Baydhabo ku soo dhaweeyay,isaga oo aqbalay dadaalka xal raadiska ah oo ay wadaan Wakiilada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.
Mas’uuliyiintaan ayaa Maalin ka hor waxaa ay Magalada Kismaayo kula kulmeen Madaxweynaha Maamulka Jubbaland,iyaga oo isku soo afgartay in la dhameeyo khilaafka,waxaana shalay sidoo kale ay la kulmeen Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waari oo dhawaan heshiis la galay Madaxda Dowladda federaalka.
Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa tiro laba jeer ah waxa ay iska diideen shir wadatashi ah oo uu Muqdisho ugu geeray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo balse lama oga waxa kulamafaan uu ka bedeli karo mowqifkoodii hore.