Waxaa goordhow Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho ka furmay kulanka 20-aad kalfadhiga 4-aad ee golaha Shacabka BJFS.
Kulanka waxaa shir guddoominaya guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad.
141 xildhibaan ayaa kulanka Maanta goobjoog ka ah.
Ajendaha kulanka Maanta ayaa ah sii wadista ansixin horudhac ah wax ka badalka xeer hoosaadka golaha shacabka.
Isnintii ayaa Xildhibaanada Golaha Shacbaka waxa ay dood ka yeesheen wax ka badalka xeer hoosaadka golaha shacabka,iyaga oo qodobada qaar ee xeerkaas ku jira ay ansixiyeen.