Ujeeddada labada safar ayaa ah in sedexda hay’ad ee u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ay Dawlad Goboleedyada ka talageliyaan tubta Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka.
Wasiir Cabdi Xoosh oo hogaaminayay wafdigii gaaray Kismaayo ayaa waxaa si wayn u soo dhaweeyeen qaar kamid ah Wasiirada iyo Xildhibaanada Jubbaland, waxa uuna Wasiir Xoosh sheegay inta ay joogaan Kismaayo inay kulamo wadatashi ah la yeelan doonaan Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Bulshada Rayidka Jubbaland.
Dhanka kale, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Xuseen Cabdi Cilmi oo hogaaminayay wafdigii gaaray Baydhabo ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyeen Wasiirka Arrimaha Dastuurka Koonfur Galbeed iyo masuuliyiin kale oo katirsan Koonfur Galbeed. Wafdigan Baydhabo gaaray ayaa waxay kulan soo dhawayn ah la yeeshay Ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ahna Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xuseen Maxamed Xuseen “Eelaay†iyo Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed Mudane C/llaahi Sheekh Xasan.
Ugu damabayn, banbax hawleedyadan ayaa ah kuwo Wasaaradda ay ku dardargelineyso waajibaadka saaran iyada oo kaashaneysa Guddiyada ay shaqo wadaaga yihiin.