Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo kulan la qaatay Safiirka Jabuuti

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa waxaa gaaray wafdi ka socda dowladda Jabuuti oo uu hoggaaminay Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan Aadan.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Danjire Aadan Xasan iyo wafdiga la socday.

Inta uu socday kulanka Axmed Karaash iyo Safiirka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka Iskaashi ee Puntland iyo Jabuuti, sida dhinacyada Ganacsiga , maalgashiga iyo guud ahaan horumarka.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa u mahadceliyay Safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan iyo wafdiga la socday, kuwaasi oo Maanta gaaray Magaalada Garoowe.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media