Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gelinkii dambe kasoo ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa soo gaaray magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.
Madaxweynaha ayaa Maanta waxa uu magaalada Pretoria kaga qeyb galayaa caleema saarka Madaxweynaha Koonfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa, wuxuuna inta uu ku suganyahay dalkan kulamo xog-wareysi ah la yeelan doonaa jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Dalka Koonfur Afrika waxa uu kulan doceedyo la yeelan doonaa hoggaanka dalkaas iyo Madaxda kale ee dhiggiisa ah ee kasoo qeyb galaya munaasabaddan, isagoona kala hadli doona danaha wada jirka ah ee kala dhexeeya dalkeenna.