Tiro Maxaabiis ah oo lagu dilay gadood ka dhacay Venezuela

Ugu yaraan 29 Maxbuus ayaa lagu dilay iska horimaad ka dhacay Xabsiga Saldhig Bolis oo ku yaalla Degmadda Akarigu ee W/galbeed ee dalkaasi.

Gadoodka ayaa la sheegay inuu bilowday, xilli ay Maxaabiista doonayeen inay ka baxsadaan Saldhigga oo ay kooxo iska soo horjeeday ku dagaalameen.

Wasaaradda Ammaanka ee dalkaasi waxay sheegtay inay qaar ka mid ah Maxaabiista ku hubeysnaayeen hub iyo bam-gacmeedyo ay adeegsadeen, iyadoo 19 Askari lagu dhaawacay iska horimaadkaasi.

Xabsiga uu gadoodka ka dhacay ayaa la sheegay in lagu xiray tiro ka badan qiyaastii uu qaadi lahaa Xabsiga oo ahayd 250-qof.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media