Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo weli ku sugan Mareykanka ayaa waxaa uu kulan la qaatay Madaxweynaha Bangiga Hormarinta Afrika Akinwumi_Adesina
Kulanka dhexmaray Wasiir Beyle iyo Madaxweynaha Bangiga Hormarinta Afrika ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha dib-u-habeynta iyo hormarka dhaqaalaha dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale labada dhinac ayaa isla gartay in la xoojiyo wadashaqeynta iyo horumarinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Bangiga Hormarinta Afrika, kadib deynta cafinta.
“Waxaan aad ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo shacabka Soomaaliyeed ee nagu garab istaagay xaqiijinta guulaha aan gagaarnay is badalka Maaliyadda” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Beyle.
Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda ayaa bogaadiyay Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaraadaha kale ee dalka oo dhamaantood oo uu sheegay inay ka qey qaateen horumarka Maaliyadda dalka.