Magaalada Kismaayo ee Caasimadda dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo Axad ah kulan ku yeeshay Madaxweynaha Jubbaland iyo Golaha Amniga maamulkaas.
Kulanka ayaa waxaa Shir Guddoominayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam,isla markaana waxaa ka qeyb galay Saraakiisha Ciidanka Booliska iyo inta badan xubnaha Golaha Amniga Jubbaland.
Sidoo kale kulanka ayaa intii uu socday waxaa diirada lagu saaray sidii dhamaan Hay”adaha amnigu iskaga kaashan lahayeen sugida nabadgalyada deegaanada dowlad Goboleedka Jubbaland.
Axmed Maxamed Islaam (Axme Madoobe) ayaa Hay”adaha amniga kula dardaarmay inay sidii laba jibaaran sugidda amniga gaar ahaan amniga ka jira Magaalada Kismaayo.
Magaalada Kismaayo ee Caasimadda dowlad Jubbaland ayaa waxaa lagu wadaa in Bisha soo socota ay ka dhacaan Doorashooyinka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha maamulka Jubbalad,isla markaana waxaa la filayaa inay ay tagaan Madax Caalami ah oo kala duwan,kuwaasi oo qaarkood ka socda Beesha Caalamka.